Warar

Luuq (RH)-Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintey tiro intaas ka badan waa ay ku dhaawcmeen dagaal mar kale ka dhacay degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Dad goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalka uu u dhexeeyo maleeshiyo wada degan degmada kuwaasoo muddo ku dagaallamaya degmada Luuq.

Warar kale ayaa sheegaya in magaalada ay ka dhacday bililiqo iyo in lagubay tuulo ku yaalla degmada, in kastoo aan la heynin faah-faahin rasmi ah.