Ururka Horseed oo maanta ololihiisa doorashada soo bandhigay

Hargeysa (RH)-Guud ahaan waxaa magaalooyinka Somaliland ka socda ololaha doorashooyinka Somaliland oo lagu wado in ay dhacaan 13-ka bisha soo socota ee November.

Maanta oo Isniin ah waxaa ololaha doorashada dhigay ururka Horseed, kuwaasoo soo bandhigay wax qabadkooda iyo sida ay ugu diyaar garoobeen doorashada soo socota.

Sabtidii ayey billaabatay ololaha doorashada, waxaana ay socon doontaa 10ka bisha soo socota, iyadoo ay ka qeybgalayaan todobo urur siyaasadeed iyo saddex xisbi.

Inta doorashada ay socoto ururada waxa ay lee yihiin labo maalin, halka xisbiyada ay lee yihiin saddex maalin in ay soo bandhigaan ololahooda.

Guud ahaan magaalooyinka Somaliland waxaa si weyn uga socda diyaargarowga doorashada, iyadoo xisbiyada ay billaabeen in ay la hadlaan dadweynaha si ay u doortaan.

Radio Hormuud, waxa inta ay socoto ololaha doorashada iyo marka ay billaabato doorashada Somaliland uu si gooni u soo tebin doonaa wararka ku saabsan doorashada haddii Alle idmo.

Xuquuqda sawirrada Weriye Hassan Gallaydh

Ururka Horseed oo maanta soo bandhigay ololaha doorashadooda

Category