Xasan Sheekh oo gaaray Burundi

Bujumbura,–(RH)       WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha SoomaaliyaXasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Bujumbura ee caasimadda dalka Burundi, halkaas oo uu kulan kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Burundi Mudane Evariste Ndayishimiye.

Kulankan Labada Madaxweyne ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Burundi, iyadoo laga wada hadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhigiisa Burundi ayaa ka wada xaajooday taageerada ciidamada Burundi ay ka geysanayaan hawlgalka nabad ilaalinta ee Soomaaliya, iyo sidii labada dal u xoojin lahaayeen iskaashiga xasilloonuda gobolka.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO LA KULMAY DHIGGIISA DALKA BURUNDI

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo dowladda Burundi taageerada joogtada ah ee ay u fidinayaan Soomaaliya, gaar ahaan ka qayb qaadashadooda nabad ilaalinta, iyadoo labada Madaxweyne ay isku raaceen in la sii xoojiyo xiriirka ganacsiga iyo diblomaasiyadeed ee labada dal.

Category