Xukuumada Somaliland Oo Shir Nabadgalyada lagu Xoojinayo la yeelatey Madaxdhaqameedka Dalka

Hargeysa(RH):-Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed,ayaa waxaa uu saaka Xarunta Wasaarada Arimaha gudaha Somaliland shir deg-deg ah la yeeshay Madaxdhaqameedka Somaliland, kulankan oo ujeedadiisa ugu wayni ahayd ka wada shaqaynta arrimaha nabadgelyada iyo sidii dhinac looga soo wada jeesan lahaa cidkasta oo wax yeelaynaysa nabadgelyada iyo Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka ayaa Madaxdhaqameedka la wadaagay dhibaatadii ka dhalatay rabshadihii iyo fawdadii ay sameeyeen Xisbiyada Mucaaradka ah maalintii Khamiista, taasoo dhibaato loogu geystey Ciidamadii Booliska ee ilaalinaya nabadgelyada shacabka.

Madaxdhaqameedka ayaa dhinacooda sheegay sida ay diyaarka ugu yihiin in ay Wasaaradda Arimaha Gudaha kala shaqeeyaan adkaynta nabadgelyada, iyada oo dhinac la iska wada taagayo waxkasta oo nabada Jamhuuriyadda Somaliland wax u dhimaya iyo guud ahaan wada jirka bulshada.

Kulamo danbe oo Arimahan la isaga imanayo ayay ku balameen Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Madaxdhaqameedku, iyaga oo Wasiirkana ugu mahadnaqay sida fiican ee uu u qaabilay.

 

Category