Soomaaliya oo markii ugu horreysay muddo dib looga billaabay ciyaarta Feerka

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxaa afartan sanno kadib dib uga billowday tartarka Feerka, waxaana sannadkan ka qeybgalaya illaa lix kooxood.

Cayaartii koowaad waxaa Jimcihii xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis ay ku dhex martay labo wiil oo ukala cayaarayaya Kooxaha GL Bajaaj iyo OFC oo u cayaaryaya Maxamed Miirkey.

Cayaarta labaad waxa ay dhex martay Dhaayow iyo Najiib uu kala cayaarayay Daryeel iyo Labo Xamar.

Dad badan ayaa u soo daawasho tegay cayaarahan oo markii ugu horreysay lagu qabtey Muqdisho, waxaana soo qaban qaabiyay xiriirka feerka Soomaaliyeed.

Taarikh ahaan cayaaraha feerka waa ay jiri jireen, waxaana xiriirkooda uu hoos tagaa guddiga cayaaraha olmbikada Soomaaliyeed oo masuul ka ah dhammaan cayaaraha dalka.

Waxaa la joojiyay xilligii ay jirtey dowladdii kacaanka ee madaxweyne uu ka ahaa Maxamed Siyaad Barre, waxaana uu arkayay madaxweynaha in ay ceeb ku tahay in labo dhallinyaro ah ay is feeraan taasoo ugu dambeen ka dhalan karta caro iyo cuqdad.

Soomaaliya oo markii ugu horreysay muddo dib looga billaabay ciyaarta Feerka

Tartankan waxaa uu hadda socdaa illaa lix sanno, waxaana uu ku soo beegmay iyadoo dunidda sannad kasta laga xuso marka lagaaro bishan 27-keeda tartanka feerka adduunka.

Tartanka ayaa sannadkan loo bixiyay magaca Feerka Xeebta ama (Beach Boxing).

Lixda Koox ee tartanka ka qeybgalaya ayaa kala ah 

1-    Marxaba Hotel
2-    Lamo Xamar
3-    OFC
4-    GL Bajaaj
5-    Daryeel 
6-    Iyo Marshal

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category