Soomaaliya: Imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiga sare oo soo dhammaday.

Muqdisho (RH)- Waxaa maanta oo Arbaca ah si rasmi ah u soo dhammaday imtixaanka fasalka 12-aad ee dugsiga sare oo ka socday gobollada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee XFS,mudane Cabdullaahi Abuukar Xaaji ayaa soo xiray imtixaanka oo shantii cisho ee la soo dhaafay ka socday dalka islamarkana ay u fariisteen in ka badan 35,000 oo arday.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Maxamed Caabi Xasan ayaa sheegay in imtixaanku uu ku soo dhamaaday Jawi degan, islamarkaana ay ardayda Soomaaliyeed muujiyeen dadaalkooda ku aaddaan waxbarashada, waxa uuna ardayda u rajeeyay natiijo wanaagsan.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Cabdullaahi Carab, ayaa u mahadceliyey cidkasta oo qeyb ka qaadatay oo ay ugu horreeyaan waalidiinta, ardayda iyo ciidamada amniga oo qeyb muhiim ka qaatay.

"Wasaaradda Waxbarashada XFS,Waxaa ka Go,an in ardayda Soomaaliyeed ay helaan Waxbarasho dhameystiran" ayuu yiri wasiirka waxbarashada Soomaaliya.

Ardayda ugu badan ee imtixaanka sannadkan u fadhiistay ayaa ka socday gobolka Banaadir kuwaasoo gaarayay illaa 25,kun oo arday, waxaana ugu yaraa degmada Xudur ee gobolka Bakool oo imtixaanka u fadhiisteen ilaa 16 arday oo kaliya. iyadoo sababta lagu sheegay magaalada oo go'doon ku jirta muddo badan.

asiirka Wasaaradda Waxbarashada Cabdullaahi Carab

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category