Nin Lagu sheegay soomaali oo isaga oo lugta ka dhiigaya ..

RH: Sida uu qorey bogga TV2 Fyn nin dhallinyar ah oo lugta ka dhiigaya ayaa soo galley dukaanka Lidl maallintii sabtidii  ninkan ayaa goobta ka fakadey intii aanu booliisku soo gaadhin sida ay xaqiijiyeen  dad goobta ka ag dhawaa waxa ay booliiska u sheegeen in uu Soomaali u ekaa da’diisana waxay ku qiyaaseen 20-25 sanno.

Waxaa sidoo kale la cadeeyey in ay xurgur iyo ismaan dhaaf uu ka jiray barxada baabuurta la dhigto ee dukaanka ka hor intii aanu dukaanka soo gallin ninkan dhaawacmey.

Booliiska ayaa markii uu goobta soo gaadhey wareystey dadkii goobta joogey , waxaaney sheegeen in ay hada baadhitaan bilaabi doonaan iyaga oo ugu horeysiin doona in ay fiiriyaan kamerada dukaanka .

Lama hubo in goobta laga qaadey ninka iyo in uu kalidiis baxsadey , sidoo kale wali ma xaqiijinkarno in uu arinkani ku lug leeyahay kooxo baando ah oo baryahan dambe is ugaadhsanayey balse waanu daba galynaa kiiskta hadii aanu isagu isa soo sheegin ayuu yiri  madaxa heeganka booliiska Odensa Lars Thede

Category