Warar

Hargeysa (RH)-Magaalooyinka Somaliland weli waxaa ka socda ololaha xisbiyada siyaasadda ay sameenayaan iyadoo loo diyaargaroobayo doorashada madaxweynaha iyo tan xisbiyadda taasoo dhaceysa 13-ka November.

Maanta oo Khamiis ah waxaa soo bandhigay ololohooda urur siyaasadeedka KAAH, waxaana hoggaaminayay guddoomiyahooda Maxamuud Xaashi iyo masuuliyiin kale.

Masuuliyiinta ka hadlay goobta ayaa sheegay in ay ku han weyn yihiin urur siyaasadeedkooda in ay ku guuleystaan doorashada dhaceysa.