Prof Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo Muqdisho lagu aasay

MUQDISHO (RH)- Ilaahay ha u naxariistee waxaa xaley goor dambe magaalada Muqdisho ku geeriyoodey Prof Cabdullahi M. Shirwac oo muddo ka badan 30 sano kasoo shaqeeyey horumarinta xuquuqul inksaanka iyo hawlaha nabadaynta ee Soomaaliya.

Prof Shirwac, Waxuu ka mid ahaa hoggaamiyaashii ururadda bulshada rayidka ee Muqdisho, waxuuna marar badan hoggaamiyey shirar Nabadeed oo qaarkood ay ka dhaceen gobolada kala duwan ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud , Ra'iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Mas'uuliyiin iyo dadweyne kala duwan ayaa ka qayb galay tukashada salaadda janaasada meydka marxuumka ee masjidka Isbahaysiga ooku yaalla magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiranyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan Ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistee Marxuum Cabdullaahi Maxamed Shirwac.

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuum Cabdullaahi Maxamed Shirwac uu ahaa Halyeey wakhti badan soo galiyay samafalka, isku xidhka, dib u heshiisiinta iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed, isaga oo si gaar ah u xusay doorkii wanaagsanaa ee uu kulahaa nabadaynta caasimadda Muqdisho.

Marxuum Cabdullaahi M. Shirwac oo Muqdisho lagu aasayMarxuum Cabdullaahi M. Shirwac oo Muqdisho lagu aasayMarxuum Cabdullaahi M. Shirwac oo Muqdisho lagu aasay

Xiggasho: VOA

Category