Kenya oo sheegtay inay ka xun tahay in calanka Somaliland la keenay kulankii diblomaasiyiinta

NAIROBI (RH)-Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay ka xuntahay in calanka Somaliland uu yaallo kulankii uu diblomaasiyiinta shisheeye la lahaa madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ee shalay lagu qabtay magaalada Nairobi.

Kenya ayaa arrintaas ku tilmaantay “mid aan ku iman ula-kac oo aan munaasib ahayn”.

Waxay sheegtay Kenya inay mar kale xaqiijinayso inay aqoonsan tahay madaxbannaanida Soomaaliya oo ay ka jirto dowlad keliya oo federaal ah oo Soomaaliyeed iyo jiritaanka qaranka Soomaaliyeed.

Kenya waxay sheegtay inay aad uga xuntahay wixii weji-gabax ah ee ay Soomaaliya arrintaas kala kulantay.

Tallaabadan ayaa ka dambaysay markii shalay safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsana uu ka baxay kulanka diblomaasiyiinta ajaanibtu la lahaayeen madaxweyne Kenyatta taasi oo uu kaga dacwoonayey joogitaanka wakiil ka socda Somaliland oo kulanka joogay “lana siiyey xuquuq la mid ah” tan diblomaaisyiinta kale.

Soomaaliya ayaa ka dalbatay Kenya inay tallaabadaas sharraxaad ka bixiso.

Dhinaca kale maamulka Somaliland ayaa sheegay inay ka xun yihiin “ficillada” uu ku kacay safiirka Soomaaliya ee Kenya. War saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Somaliland ayaa lagu sheegay in ka bixitaanka safiirka Soomaaliya ee kulanka uu la xiriiray fikradaha uu ka qabay ka qaybgalka Somaliland ee munaasabadda.

Waxay sheegtay Somaliland in tallaabadaas ay muujinayso “nacaybka iyo cadaawadda qotada dheer” ee Soomaaliya u qabto Somaliland iyo dadkeeda.

Xiggasho: VOA

Category