Hargeysa (RH)-Waxaa xalay magaalada Hargeysa ku geeriyooday Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed Siilaanyo), oo ahaa madaxweynihii hore ee Jamhuuriyada Iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.
Allaha u raxmadee Axmed Siilaanyo, wuxuu ka mid ahaa ruug cadaayadii siyaasadda Soomaaliya iyo Somailand nus c qarni ka badan isagoo door shariifa ku lahaa nidaamyaddii maamul ee dowladdii Soomaaliya lixdameeyadii. Wuxuu kale oo ka mid ahaa bud-dhigayaashii Somaliland oo la asaasay sanadkii 1991-dii.