Xogo-sirdoon iyo Caddeymo Muujinaya in Al-Shabaab ka Dambaysay Dilalkii Laascaanood

Hargeysa(RH):-Caddeymo, fariimo iyo xogo sirdoon ayaa muujinaya in argagxisada Shabaab ka dambeeyeen dilalkii iyo dagaalka xilligan ka socda magaalada Laascaanood, taas oo markhaati u noqonaysa hadalkii Madaxweynaha Md Muuse Biixi shacabka iyo caalamka ugu sheegay in argagxisada Shabaab ka dambayso rabshadaha & dagaalka Laascaanood.

Warbixin si faahfaahsan loogu bayaamiyey heerarki uu soo maray, qaababka ay u fulin jireen shacabka dilalka argagxisada Al Shabaab u maleegeen dilalkii muwaadiniin badan oo xukuumada Somaliland u shaqeyn jiray ku dhinteen ayaa Telefishanka Qaranka lagu soo bandhigay.

Caddeynaha markhaatiga wata ee warbixinta lagu sheegay ayaa muujinaya in Mukhtaar Mahad Axmed uu ahaa ninkii ka dambeeyey dilkii u dambeeyey ee u ku dhintay marxuum, sida lagu ogaaday fariimo uu telefoonkiisa gacanta ugu diray inuu fuliyey madax Al Shabaab oo Koonfurta soomaaliya jooga.

Mukhaar oo Gobolka Sool ka soo jeeda oo sannadkii 2017-kii argagxisada al shabaab tababar ku soo siisay deegaanka Jilib ee Koonfurta Soomaaliya, isla markaana 2019-kii Madaxa kooxda Al Shabaab u qaabilsan Amniyaadka ee magaalada Buuhoodle loo magacaabay ayaa warbixinta lagu sheegay inuu yahay qaswadaha bilaabay  dhibaatada Laascaanood ka taagan

Koox abaabulan oo argagxisada Al Shabaab ka sameeysay magaalada Laascaanood, kana mid ahaayeen Kamaal Cabdillahi Siciid Muuse, Xudeyfi Cabdiraxmaan Cumar iyo aabahii Cabdiraxmaan Cumar Yaasiin, ayuu madax u ahaa Mukhtaar, madaxii Amniyaadka Shabaab, ayaa awaamiirta dilalka Al Shabaab qorshaynayso loo soo marin jiray nin magaciisa lagu soo gaabiyey Buraale, halka dhaqaalaha hawlgalada loo soo marin jiray nin lagu magacaabo Gaab Xaaji Naaji oo labaduba joogaan Soomaaliya, sida caddeymaha lagu ogaaday.

Hawlgaladii dilalka ee madaxa Amniyaadka argagxisada Al Shabaab Mukhtaar iyo kooxdiisu fuliyeen waxa ka mid ah dilkii 26 December, 20212-kii ee u uku dhintay marxuum Cabdifataax Cabdillahi Cabdi ( Hadraawi) iyo askari ciidanka Booliiska magaalada Laascaanood ahaa marxuum Maxamed Jaamac.

Warbixinta Telefishanka Qaranka oo ka hadlaysay hanaankii Ciidamada Booliiska ugu guulaysteen qabashada kooxadii argagxisada Al shabaab ee dilalka qorsheysan ka geysan jiray Laascaanood ayaa lagu yidhi,

Kamaal Maxamed oo qeyb ka ahaa kooxdii argagxisada Al Shabaab ee dilalka la fulin jiray Mukhtaar ayaa Ciidamada Booliisku gacanta ku soo dhigeen wakhti uu qorshe dil ku hawlanaa, isagoo is-difaac kala horyimi, ayaa dhaawac lagu qabtay, iyadoo laba miinooyinka gacanta laga soo qaaday gurigiisa.

Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa sidoo kale hawlgalka ku soo qabteen Xudeyfi iyo aabahii Cabdiraxmaan Cumar oo qeyb ka shabakada al shabaab ee dilalka ka geysta Laascaanood.

Dagaalkii kooxaha argagxisada iyo maleeshiyaadka kale ku soo qaadeen Ciidanka Somaliland mudadii uu socday waxa u suurtowday Ciidanak Booliiska inay gacanta ku soo dhigeen madaxii Amniyaadka Al Shabaab, waxaana gurigiisa Buuhoodle laga helay walxaha loo adeegsado dilalka iyo qaraxyada sida 32 Miinada Gacanta laga tuuro iyo laba suumanka dhexda lagu xidho ee qaraxyada loo adeegsado.

Madaxa Amniyaadka Al shabaab Mukhtaar ayaa cadeymahii uu kula wadaagay madaxdii Al shabaab ee ku sugnaa magaalada Jilib ee Soomaaliya dilkii Marxuum Hadraawi 27 December 2023 maalin ka dib oo laga helay telefoonkiisa fariimahii uu WhatsApp ku sheegayo magaca xildhibaanka, jilibkiisa Baharsame, xisbiga Waddani, da’diisa 40 jir, suuqa dhexdiisa, saacad 8:30 fiidnimo.

Xogaha Telefishanka Qaranka baahiyey ayaa muujinaya sida kooxda Al shabaab uuga dambaysay kacdoonkii iyo rabshadahii bulshada rabshadaha ee keenay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood,

Fariin labaad oo telefoonka Mukhtaar laga helay ayaa muujinaysa jawaab looga dalbanayo ‘halka hawshu u marayso’ kuna jawaabay ‘ilaa galabta ayaan soo dirayaa, hawshu meel fiican ayey maraysaa, kooxda ICTISAAM ayaa dab ku sii shideysa”

Kooxda argagxisada Al shabaab ee dagaalka ka wada magaalada Laascaanood oo qaar ka mid ah magacyadooda lagu sheegay warbixinta ayaa dhinaca kale la ogaaday xidhiidh khadka telefoonada oo dhexmaray kooxda Laascaanood iyo kuwa jooga Soomaaliya, kana mid yihiin fariin mid Suldaan Sharmaarke, oo kooxda Al shabaab ee jooga Soomaaliya, u soo diray Cabdi Madoobe, madaxda Kooxda shabaab ee Laascaanood, uguna sheegayo in dad badan oo shacabka Laascaanood ku dhinteen dagaalka, talaabo muujinaysa in qorshahii shabaab ee khilaafka shacabka iyo xukuumada Somaliland hirgalay. Waxa xogahu raaciyeen in Suldaan sharmaarke sheegay in hogaamiyeyaal fiican kaga dhinteen dagaalka Laascaanod, isagoo xubno kale oo Jubooyinka jooga ka dalbaday inay ku biiraan dagaalka, isla markaana hubka iyo saadka ka heli doonaan Madaxweyne-xigeenka Puntland Axmed Karaash.

Warbixinta Telefishanka Qaranka oo dheerayd ayaa ka hadlay xubno kale oo kooxda Al shabaab ka tirsan oo u baxsaday Soomaaliya ka dib markii ciidamada amaanku fashiliyeen qorsheyaal ay wadeen, sida hub ay la soo degayeen.

 

 

Category