Shan faa'ido oo laga helo cunista kalluunka dufanta leh

Kalluunka dufanta leh ma wuxuu u wanaagsan yahay caafimaadka?- haddii ay sidaas tahay, waa maxay noocyada ugu fiican iyo inta jeer ee ay tahay inaad cuntid? arrimahaas waxaa sharraxeysaa Nicola Shubrook oo ah dhakhtarad ku takhasustay cuntooyinka nafaqada leh, waxay ka talo bixineysaa faa'idooyinka laga helo kalluunkan.

Kalluunka dufanta leh- waxaa ku badan dufanka nooca loo yaqaano omega-3.

Dufanka Omega-3, waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay mid lagama maarmaan u ah jirka banii'aadanka, waxaa laga helaa cuntooyinka maadama uusan jirka soo saari karin.

Shan faa'ido oo laga helo kalluunka dufanta leh

1. Waxaa laga yaabaa in uu ka hortaggo cudurrada ku dhaca wadnaha

Daraasado dhowr ah ayaa muujiyay in dufanka loo yaaqaanno Omega-3 fatty acids in uu dadka ka caawiyo hoos u dhigista kolestaroolka iyo cadaadiska dhiigga ee aadka u sarreeya taasoo yareyneysa halista cudurrada wadnaha.

2. Waxaa ku jiraa maadooyin difaaca neerfayaasha

Omega-3 fatty acid, gaar ahaan maadada ku jirta ee loo yaqaanno DHA, waxay lagama maarmaan u tahay korriinka maskaxda sida ugu habboon iyo shaqada maskaxda, waxayna u horseedda neerfayaasha inay ka hortaggaan cudurrada, oo uu kamid yahay ka hortagga cudurka Alzheimers.

3. Wuxuu u fiican yahay kala goosyada jirka

Dufanka loo yaqaanno Omega-3 fatty acid waxay si daabici uga hortagtaa xasaasiyadda jirka, daraasado dhowr ah waxay muujinayaan inay ilaaliso kala-goysyada jirka, waxayna qofka ka caawin kartaa ka hortagga cudurka ku dhaca kala goosyada ee rheumatoid arthritis.

4. Wuxuu caawiyaa caafimaadka maskaxda

Cilmibaarisyo muhiim ah ayaa muujinaya in dufanka Omega-3 fatty acids ay saameyn waxtar leh ku leeyihiin caafimaadka maskaxda oo ay kamid yihiin walaaca iyo niyad jabka.

5. Wuxuu qofka ka caawiyaa halista kansarka

Cilmi baarisyo badan ayaa muujiyay in dufanka omega-3 fatty acids lala xiriiriyay hoos u dhigista halista kansarka qaarkiis, oo ay kamid yihiin kuwa ku dhaca mindhicirada iyo naasaha.

Cunista kalluunka dufanta leh

Waaxda adeegyada qaranka ee UK ee NHS waxay ku talineysaa in qofka toddobaadkii uu ugu yaraan labo jeer kalluunka cuni karo, mid kamid ah kalluunka waa in uu noqdo midka dufanta leh.

Kuwa ay tahay inay cunaan wax aan ka badnayn laba xabbo oo kalluunka dufanta leh toddobaadkii waa, gabdhaha, haweenka ku rajo weyn inay uur qaadaan iyo haweenka naaska nuujinaya ilmahooda.

 

xigasho Bbc

Category