Ciidanka ATMIS oo baaraya dad lagu eedeeyay inay dileen

Buulo Mareer (RH)-Ciidamada howlgalka midowga Africa ee ATMIS oo ayaa war ka soo saaray eedeyn loo jeediyay taas oo ahayd in askartooda ay dad ku dileen kuwo kalena ku dhaawaceen deegaanka Buulo Mareer ee gobolka Shabeelada Hoose.

War qoraal ah oo ay soo saartay ATMIS ayay ku sheegeen in ay baaritaan ku sameynayaan dhacdada lagu eedeeyay ee ah in ay dileen ugu yaraan laba qof halka dad kalana ay dhaawaceen.

‘’Howlgalka Midowga Africa ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya waxa uu si qoto dheer uga walaacsanyahay dhacdo naxdin oo ka dhacday Buulo Mareer 17-kii Luulyo 2024, kaas oo ka dhashay khasaare isugu jirta dhimashada labo qof iyo dhaawac soo gaaray qof kale,’’ ayaa qoraalka lagu yiri.

Taliska ATMIS ayaa sheegay in ay baaritaan dhab ah ku sameyn doonaan eedeyntaan waxa ayna intaa hadalka ku dareen in natiijada baaritaanka ay bulshada u soo bandhigi doonaan marka la soo gaba gabeeyo.

Qoraalka ATMIS oo ay arimmo badan uga hadleen ayay sidoo kale ugu tacsiyeeyeen ehelada dadkoodu ay ka dhinteen.
 

Xigasho: BBC

Category