Radio Hormuud oo si gaar ah u soo tebin doona doorashooyinka Somaliland

Hargeysa (RH)-Radio Hormuud waxa uu si gaar ah u soo tebin doonaa doorashooyinka isku sitkan ee Somaliland, kuwaasoo la filayo in ay ka dhacaan 13-ka bisha soo socota ee November.

Sabtidii shaley ayey si rasmi ah u billowdeen ololaha doorashada madaxweynaha iyo tan xisbiyada, waxaana shaley ololaha billaabay xisbiga Barwaaqo, maanta waxaa ololaha leh xisbiga.

Doorashadan waa markii labaad ee nooceeda la qabto, sidoo kale waa markii ugu horreysay oo doorashada ay ka qeybgalayaan ururada oo markii horre ku soo bixi jiray doorashooyinka golayaasha.

Doorashada madaxweynaha waxa ay u dhexeysaa saddexda xisbi kuwaasoo midka ku guuleysta ka arrimin doona Somaliland muddo 10 sanno.

Dhinacyada doorashada ku tartamaya waa 10, waa 7 urur iyo saddex xisbi.

Inta doorashada ay socoto ururada waxa ay lee yihiin labo maalin, halka xisbiyada ay lee yihiin saddex maalin in ay soo bandhigaan ololahooda.

Wasaaradda warfaafinta Somaliland ayaa la amray in si siman u baahiyaan wararka la xiriira doorashada ayna ururada iyo xisbiyada loo simo.

Ololaha doorashada Somaliland ayaa socon doona illaa laga gaaro 10ka bisha November, iyadoo maalinta 13-ka ay noqon doonto maalinta loo asteeyay doorashada guud.

Haddaba Akhristow Radio Hormuud si gaar ah ayuu idinku soo gudbin doonaa maalmaha ay socdaan ololaha doorashada iyo marka la gaaro maalinta loo dareerayo doorashada

Radio Hormuud

Studio 3

Hargeysa -Somaliland

Category