Sidan ayey Sweden u adkeyn doontaa sharciyada socdaalka iyo soogalootiga.

RH: Dalka sweden oo dunida oo dhami ku majeeranjirtey soo dhaweynta soo galootiga, naxariista baniiadanimo iyo deeqsi sanaanta marka laga hadlayo gargaarka dadka tabaaleysan ayaa siweyn wax uga badali doona siyaasadii uu kula dhaqmijiray soo galootiga dalkiisa magangalyada u soo doonta, arintan ayaa timid kadib kolkii uu mawjadado faldambiyeedyo iyo xasilooni daro is dhexgal xumo kala kulmay dadkii dalkiisa doolka ku yimid gaar ahaan qaxootigii waxaanu dalka oo ay hogaaminayaan xisbiyada arintan kasoo horjeedaa  qiray  in lagu fashilmey siyaasadii isdhexgalka ee bulshadii dalka lagu soo dhaweeyey. 

fikirkan ayaa hore usoo marey dalalaka kale ee Skandanavianka 20 kii sanno ee la soo dhaafey kuwaas hada muu jiyey in ay xakameeyeen  dhibkaas marka loo eego dalka sweden. 

Sidan ayey Sweden u adkeyn doontaa sharciyada socdaalka iyo soogalootiga.

1-Xeerarka isu keenidda qoyska  ee dalka sweden ayaa aad loo adkeeyndoona si ay u buuxiyaan shuruudaha ugu yar ee EU-da.

2-Shuruudaha lagu qaato jinsiyada ayaa iyagana la adkeyn doonaa.

3- Tirada qaxootiga kootada ah ee uu dalku dibada kasoo qaato ayaa laga dhimidoonaa 5,000 lagana dhigaa 900 kaliya sanadkii.

4. Qaxoontiga Iswiidhan yimaadda waxa ay buuxindoonaan shuruudo ay  ka mid yihiin barashada luqada oo khasab lagaga dhigidoono.

5. Dawladdu waxay sidoo kale eegi doontaa in dadka cusubi ay si toos ah u heli karaan faa'iidooyinka daryeelka bulshada iyo qaadashada caydha.

Category