Muxuu yahay heshiiska ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo hay'adda IATA

NAIROBI (RH) —Dawladda Soomaaliya iyo hay’adda caalamiga ah ee gaadiidka hawada IATA ayaa maanta magaalada Nairobi ku gaaray heshiis lagu sii xoojinayo iskaahsiga dhaqaale iyo faa’iidooyibka kale ee ijtimaaciga ah ee adeegyada hawada.

Heshiiskan ayaa waxaa wada saxiixay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Fardawsa Cusmaan Cigaal iyo ku-xigeenka madaxa IATA ee Africa iyo Bariga Dhexe Kaamil Alawadhi.

Heshiiska ayaa waxaa qeyb ka ah ballaarinta dhaq-dhaaqyada hay’adda IATA ee gudaha Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa ka dambeeyey markii dhowaan dawladda Soomaaliya ay dib usoo ceshatay heerka koowaad ee Classs A ee ugu sarreeya ee adeegga hawada.

Xigasho: VOA

Category