Ilhaan Cumar oo walaac weyn ka muujisay hanjabaado dil ah oo ay la kumayso

RH: Xildhibaan Ilhaan Cumar, ayaa wareysi ay bixisay waxay ku sheegtay in ay inta badan kala hadasho caruurteeda hanjabaadaha ay kala kulanto nin loo soo xirayo inuu burburiyay xafiiskeeda.

"Waa inaan si joogto ah ula sheekeysto carruurtayda: 'Maxaa dhacaya haddii la i dilo?" Ilhan Cumar ayaa sidaas ku tiri wareysi ay siisay wargeyska Star Tribun.

Ilhan Cumar ayaa sidoo kale u sheegtay wargeyska Tribune in aanay kalsooni ku qabin in afhayeenka aqalka Koongareeska Kevin McCarthy (R-Calif.) uu wax ka qaban doono arrinta ku saabsan in ay u baahan tahay ammaan iyo ilaalin dheeraad ah, sababo la xiriira hanjabaadaha ay la kulantay, iyadoo xustay sida guddoomiyihii hore ee Aqalka Hoose. Xildhibaan Nancy Pelosi (D-Calif.) wax kaga qaban jirtay welwelka badbaadada nafteeda.

"Ma garanayo sida aan ugu kalsoonahay  afhayeenka hadda jira si uu u qaato go'aanka badbaadadayda iyo badbaadada qaar ka mid ah asxaabteydii kale ee nugul ayay Ilhan Omar u sheegtay wargeyska Star Tribune.

War qoraal ah oo uu siiyay Tribune, afhayeen u hadlay xafiiska McCarthy ayaa sheegay in afhayeenka uu caddeeyay rajada uu ka qabo in siyaasadda laga saaro amniga.

Hadalka Ilhan Cumar ayaa imaanaya iyadoo maamulka Minnesota ay xireen oo ay dacwad kusoo oogeen nin todobaadkii hore, iyagoo ku eedeeyay inuu dab qabadsiiyay laba masaajid oo ku yaalla Minneapolis iyo inuu burburiyay xafiiska Cumar.

Category