Fu'aad Shongole oo beeniyey in la dilay

Nairobi (RH)-Fu’aad Maxamed Khalaf oo ka mid ah hoggaamiyayaasha Al-Shabaab ayaa beeniyey in lagu dilay dagaalladii ka dhacay gobolka Bakool usbuucii hore.

Cod laga soo duubay Shongole oo lagu baahiyey warbaahinta Al-Shabaab ayuu ku sheegay inuu nool yahay uuna caafimaad qabo.

Itoobiya ayaa sheegtay maalintii Jimcihii inay dishay saddex sarkaal oo ka tirsan Al-Shabaab, oo ay ka mid yihiin Fu’aad Shongole iyo Af-hayeenka ururkaas Cabdulcasiis Abu Muscab.

Codka ayuu ku xusay dagaalkii ka dhacay 30-kii Juulaay magaalada Caato, iyo warka kasoo baxay Itoobiya.

VOA ma xaqiijin sax ahaanshaha codka ay baahisay warbaahinta Al-Shabaab.

Xiggasho: VOA

Category