Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo Maanta kala saxiixday heshiisyo muhiim ah

Kulan heerkiisu sareeyo ayaa Maanta ku dhexmaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya wasiiradda arrimaha Dibadda, Gaashaandhiga iyo Amniga ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya, kaasoo looga hadlay arrimo badan oo quseeya labada dowladood.

Kulanka ayaa labada dhinac waxay kaga hadleen arrimo ay ka mid yihiin furista xaduuda labada dal, fududeynta isku socodka duulimaadyada, ganacsiga iyo iskaashiga amniga Wasiirka amniga gudaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Axmed Sheekh Cali Doodishe ayaa sheegay in dowladda Kenya ay maanta la gaareen heshiis la taaban karo.

“Waxaan ku heshiinay in muddo 90-cisho gudahood ah lagu furo baraha xuduudaha Beled Xaawo, Mandheera, Dhoobleey-Libooyai, Raas Kaambooni iyo Kiunga” ayuu yiri wasiirka amniga gudaha Maxamed Axmed Sheekh Cali Doodishe.

Waxaa sidoo kale masuuliyiinta labada dowladood ay ka wada hadleen dalku galka Kenya in loo sahlo shacabka Soomaaliyeed, taasi oo ay si weyn ugu dhib qabaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“Waxaa aan ku heshiinay in culayska ka jira helitaanka dal-ku-galka (Visa) in lagu fududeeyo muddo 30 maalmood gudahood ah” ayuu yiri wasiir Doodishe.

Dowladda Kenya ayaa xaduud beenaadka ay la wadaagto Soomaaliya xiratay sanadkii 2011,kii, kadib weeraro kooxda Al-shabaab ka geysatay gudaha dalka Kenya.

“Laga billaabo maanta, waxaan go’aansannay in xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya hab dhowr waji ah loogu furi doono muddo 90 maalmood gudahood, marinka ugu horeeya waxaa lagu furaya 30 maalmood gudahood" ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha dalka Kenya Kithure Kindiki.

 

 

source : hiiraan online

Heshiiskaan Maanta dhexmaray labada dhinac ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa imaanaya, iyadoo uu soo hagaagayay mudooyinkii dambe xiriirka labada dowladood sanadahii lasoo dhaafay aad u xumaa.

Category