Barnaamijka hawlgabka "Arne" ayaa dood ka dhalliyey wadanka Danmark.

RH: Haweeney hore u aheyd rinjiile laguna magacaabo Helle Jørgensen, iyo ninkii  lahaa shariikada  rinjileyda oo  magiciisana la yidhaa Dennis Eskildsen, ayaa la wareystay waxaaney sheegeen sidan  , Denis ayaa sheegay  inuu fahmayo go'aankeeda ah inay ka tagto shaqada oo ay hawlgab noqoto  markii lasiiyey fursadda  isaga oo cadho laga dareemayo: - wuxuu intaas raaciyey nidaamka hawlgabku wuu jiraa, markaa maxay u isticmaali weyday haddii ay fursad u haysato ee ay u dooratay in ay shaqada katagto?

Hada ka  shaqo-bixiye ahaan,  waxa iga maqan qof aqoontaas iyo xirfadaas ii hayey oo qof iibadala aanan haysan ayuu yidhi Dennis Eskildsen oo sii wata: - Ma aha wax lagu farxo in la macsalaameeyo rinjiile wanaagsan oo shaqo fiican kuu hayey oo aad loo jecel yahay. Mid cusub kaallintiisii buuxin kara jidka si dhib yar uguma soo helaysid, ayuu yidhi madaxa shariikad rinjiga.

Afar ka mid ah tobankii hawlgab ee barnaamijka Arne maha kuwo daalley oo tabcaan ah si ay u helaan xuquuqa barnaamijkan hawlgabka hore - ama hawlgabka Arne, sida nidaamka inta badan loogu yeero.

Hadaba dood cusub  ayaa arintan ka daba timid  ka dib fallanqayn cusub oo ay sameysay Xarunta Cilmi-baarista Qaranka (NFA), oo hoos timaada Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha.

waxaaney sheegtey warbixintu in  ku dhawaad ​​1,000 dadka hawlgabka ah ee Arne oo la waydiiyay daalka ay dareemayaan jidh ahaan iyo maskax ahaan .

waxay ku jawaabeen  afar ka mid ah tobankiiba in "aanay gabi ahaanba waxba dareemayn" ama "wax yar" ay dareemaan daal, inkastoo ay ku jireen suuqa shaqada in ka badan 42 sano.

Xuquuqda hawlgabka noocan ah waxaa loogu talo galley dadka suuqa shaqda ku jirey 20 sanno iyo kabadan ee  daal iyo in ay ku dhamaadeen shaqdii dareemaya ayey hore u sheegtay ra'iisul wasaare Mette Frederiksen (S) marar badan, laakiin falanqaynta NFA waxay daaha ka feyday in  laba ka mid ah tobankiiba ay ku jawaabaan inay dareemayaan daal. "sare" ama "aad u sarreeya".

arintani markii ay soo baxday waxaa durba saxaafada hor yimid dadban oo waayeel ah oo sheegay in ay daal dareemayaan shuriidihiina ay buuxiyeen balse loo diiday in la ogolaado codsigoodii hawl gab nimo.

arintan ayaa ah bambo cusub oo ku qaraxday suuqa shaqda ee Denmark oo xoog uga walaacsan xooga shaqada ee dalka iyo sidii loo dabooli lahaa, waxaana hada aad u qeylinaya oo shaqaale u baahan laama daryeelka waayeelka, kalkaaliyaasha caafimaadka , dhakhaatiirta iyo kuwo kale oo badan.

Category