Xisbiyad Mucaaridka Somaliland Oo Maalinta Bari ah qabanaya Mudaharaado

Hargeysa (RH):–Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Madaxda xisbiyada mucaaradka ah ayaa ku heshiiyay in mucaaradku ay isu-soobaxyo nabadgalyo ah qabsadaan maalinta Khamiista ah.

Kulankaasi oo saacado badan qaatay ayaa lagu sheegay in nidaamka loo qabanayo mudaharaadka ee la ogol yahay ay tahay in xafiiska xisbiyadu ku leeyihiin lixda gobol ee waaweyn ay ku qabsan karaan, waxa intaas lagu daray in aan la ogolayn goobaha shaaricyada ah in lagu qabto wax bannaanbaxa.

Sidaasina waxaa lagu sheegay War-Saxaafeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, kaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska warqabadka Radio Hormuud  waxaanu u u dhignaa sidan:-

 

UJEEDO: OGGOLAANSHO BANNAAN-BAX GOOBO CAYIMAN.

Markaan Arakay: Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliland. Qodobkiisa 32aad, Farqadiisa 2aad oo cadeyneysa Xaqa Xoriyadda bannaan baxa iyo in loo raaco Xeer Lr.51/2012.

Markay i cadaatey: Masuuliyada ka saaran Amniga iyo kala Danbeynta Wasaaradda Arimaha Gudaha, sida ku cad Xeer-nidaamiyaha Dhismaha Wasaaradaha iyo Hay’adaha Xukuumadda Xeer-nidaamiye Lr.01/2018 Qodobkiisa 27aad farqadihiisa 5aad 7aad iyo 17aad oo dhigaya inay sugto ammaanka muwadiniinta, kala-danbeynta iyo Anshaxa guud, Inay ka hortagto, lana dagaalanto dambiyada iyo wixii keena, Inay qiimayso, dabagashana hay’adaha Amniga.

Markay i cadaatey: Xeer Lr. 71/2015 Qodobkiisa 29aad farqadihiisa 2aad 3aad 4aad iyo 5aad oo cadeynaaya mas’uuliyada ka saran Amniga iyo kala danbeynta Wasaaradda Arrimaha Gudaha kana hadlaya Ilaalinta amarka iyo kala-danbeynta, Sugidda ammaanka Muwadiniinta iyo Anshaxa guud. Hubinta xasiloonida iyo ammaanka Muwaadiniinta, iyada oo isku xidhaysa Lana kaashanaysa laamaha iyo Hay’adaha Xukuumadda. Ka hortagga iyo la-dagaalanka dambiyada iyo wixii keena.

Markaan Arkay: Xeerka illalinta Anshaxa iyo Nabad gelyada Guud Xeer Lr.51/2012, Qodobkiisa 10aad oo cadeynaaya Nidaamka guud, kala Danbeynta iyo Codsiga Banaan baxyada, iyada oo farqadiisa 1aad oo cadeyneysa shurruudaha looga baahan yahay oo laga eegaayo:-

b) Tirada Dadka ka soo qayb galaaya

t) ujeedada iyo Mawduuca loo qabanaayo Bannaan baxa.

Sidoo kale, Farqada 3aad ee qodobkan sababaha ku xusan awgeed waxaa Duqa Degmada, Gudoomiyaha Gobolka ama Wasiirka Arrimaha Guduhu go,aan qoraal ah oo sababaysan ku diidi karaa Banaan baxa, amase wuxuu wax ka bedeli karaa qaabka loo qabanayo iyo wakhtiga la qabanayo, isagoo ogeysiin deg-deg ah siinaya Guddiga Nabad-gelyada iyo Booliiska.

Markaan Arkay: Xeerka Illalinta Anshaxa iyo Nabad gelyada Guud Xeer Lr.51/2012, Qodobkiisa 13aad farqadihiisa 1aad iyo 2aad, oo cadeynaaya Kala Kaxaynta Bannaan baxyada.

Markaan Arkay: Xeerka Illalinta Anshaxa iyo Nabad gelyada Guud Xeer Lr.51/2012, Qodobkiisa 13aad farqadihiisa 1aad iyo 2aad, oo cadeynaaya Kala Kaxaynta Bannaan baxyada.

Markaan Arkay: Xeerka Illalinta Anshaxa iyo Nabad gelyada Guud Xeer Lr.51/2012, qodobkiisa 14aad farqadihiisa 1aad, 2aad iyo 3aad oo dhigaaya Habka loo Joojinaayo Bannaanbaxyada , iyada oo marka hore la faraayo in ay joojiyaan Banaanbaxa, hadii ay u hogaansami waayaan, waxaa xoog ku Joojinaaya Ciidanka Booliiska, cid kasta oo diidey Amarka Joojinta Bannaan baxa Waxaa la horgeyn doonaa Hay’adaha Sharciga.

Markaan Tixraacay: warqada sumadeedu tahay Tix/Waddani/Ucid/05

/2020 ee ku taarikhaysan 08/07/2022 ujeedadeeduna ahayd war gelin dib u bilaabid Banaan baxyada Nabad gelyo ee ay ku sheegeen Badbaadada Somaliland Xisbiyadda Mucaaradka ah

Sidaas darteed, asbaabtaas sharci ee sare ku xusan awgeed waxaa idinku wargelineynaa in:-

1. aan go’aamiyey in Banaan baxyadu qabsoomaa maalinka Khamiista 11/08/2022, laga bilaabo 7:00: Subaxnimo ilaa 12:00 Duhurnimo. kana Qabsoomaan Xarrumaha Xisbiyada Macaaradka ee lixda Gobol ee kala ah:-

b) Awdal Xarunta Dhexe ee Xisbiga Waddani

t) M/Jeex Xarunta Dhexe ee Xisbiga Waddani Macalin Haaruun.

j) Saaxil Xarunta Dhexe ee Xisbiga Ucid

x) Togdheer Xarunta Dhexe ee Xisbiga Ucid

kh) Sool Xarunta Dhexe ee Xisbiga Waddani

d) Sanaag Xarunta Dhexe ee Xisbiga Waddani.

2. Waxaana ka reeban Banaan baxayaasha in ay ka gudbaan Xarumahaas loo cayimay ama loo xadidday.

3. Madaxda Labada Xisbi waxa lagu war-gelinayaa in ay ku ilaaliyaan Banaan baxayaasha Goobaha loo cayimay, hadii banaan baxayaashu ka gudbaan Goobahaas loo cayimay, Mas’uuliyadda Banaanbaxyaasha waxa Qaadi doonaa Madaxda Asxaabta Mucaaradka.

4. Waxaa la farayaa Taliska Ciidanka Booliiska JSL in Talaabo sharci ah ka qaadaan cidkasta oo Nabadgelyo daro ku kacda, kana baxda

5. Xayndaabka Goobaha loo cayimay, isla markaana in ay si buuxda u sugaan una ilaaliyaan Nabad gelyada guud ee goobaha loo cayimey.

b) in ay si Buuxda u sugaan Nabad g elyada Guud ee Dalka iyo Shacabka JSL.

t) Waxa la farayaa Dhamaan Gudoomiyeyaasha Gobolada iyo Degmooyinka in ay fuliyaan Amarkaas Wasiirka gacan buuxdana siiyaan Ciidanka Booliiska.

Fiiro-Gaara:- Labada Xisbi Halka Goob ee loo cayimay ayay ku

qabsanayaan Banaan-baxa.

ALLAA MAHAD LEH.

MAXAMED KAAHIN AXMED

WASIIRKA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA JSL.

 

Category