Mudaharaado Sababay Khasaare Dhimasho iyo dhaawac leh Oo ka dhacay Somaliland

Hargeysa(RH):-Mudaharaado rabshado wata ayaa maanta ka dhacay gobolada waaweyn ee Somaliland

Mudaharaadadan ayaa waxaa soo abaabuley Xisbiyada Mucaaridka Somaliland ee Waddani iyo Ucid kaasi oo ay halku-dhig looga dhigay Badbaado qaran, oo ay kaga cabanayaan muranka Siyaasadeed ee ay isku maandhaafsan yihiin Xukuumada iyo Asxaabta Mucaaridku ee la xidhiidha Arimaha Doorashooyinka.

Xukuumada Somaliland ayaa xisbiyada Mucaaridka Somaliland u ogolaatey inay qabsadaan Banaan-bax salmi ah oo Nabdoon isla markaasina ay ku qabsadaan goobo cayiman gaar ahaana Xarumaha Xisbiyada Macaaridku ku leeyihiin ee lixda gobol ee waaweyn ee Somaliland

Waxaana is hor-imaad dhexmarey taageerayaasha xisbiyada Mucaaridka iyo ciidamo kala duwan oo isku dayayay inay ka hortagaan Mudaharaadayaasha .

Inta la ogyahay mudaharaadaasi rabshadaha watey waxaa ku geeriyooday Sadex  qof sidoo kalana waxaa ku dhaawacmay dad badan oo iskugu jira Shicib iyo ciidan  kuwaasi oo la soo gaadhsiiyey goobaha caafimaadka .

Dadka geeriyooday ayaa ku kala sugnaa Magaalooyinka Hargeysa,Ceerigaabo iyo Burco kuwaasi oo ay ku dhacday rasaas ay ciidamada Amaanku  u adeegsadeen dadkii mudaharaadka dhigayay.

Sidoo kale Banaan-baxyadaasi waxaa ka dhashay khasaare kala duwan oo maaliyadeed.

Xukuumada iyo xisbiyada Mucaaridka midkoodna  wali kama hadal khasaaraha ka dhashay mudahaaradadaasi.

Dhinaca waxaa maanta guud ahaan hawada laga saarey adeegii internet.ka

Category