Al-Shabaab oo markale Gubay Guryo iyo Ceelal biyoodyo

 Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ee maamulka Hirshabelle ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay mar kale gubtay guryo guryo iyo ceelal ay leeyihiin dad shacab ah.

Guryaha iyo ceelasha la gubay ayaa waxay ku yaaleen degaanka Ceel-jiqoow oo kamid ah degaannada hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, waxaana la xaqiijiyey inay kooxdaan gubtay dhammaan guryahihii tuulada ku yaalay.

Dadka degaanka Ceel-jiqoow ayaa waxaa ay warbaahinta u sheegeen in marka hore ay Al-Shabaab ku amreen inay degaanka deg deg uga baxaan, sidaasina ay ku gubeen guryihii.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa xaqiijiyey inay kooxda  qarax ku bur-burisay halkii  ceel biyood ee ku yaalay deegaanka Ceel-Jiqoow oo dadka iyo xoolaha ka biya cabi jireen.

Dadkii daganaa tuulada ayaa la xaqiijiyey inay gebi ahaanba isaga barakaceen halkaas kadib markii ay soo wajahday duruufo dhanka nolosha ah maadaama la gubay guryihii ay daganaayeen iyo ceelkii ay biyaha ka cabi jireen.

“ Wallaaloow anaga oo guryaheena iska joogna ayay Al-Shabaab nagu amreen inaan isaga baxno, markii aan ka tagnayna waa ay gubeen, ceelkii Biyaha aan ka cabi jirnayna qaraxyo ayey ku burburiyeen, mana aqaano waxa aan ka galabsanay ” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta gudaha.

Waa markii labaad oo Al-Shabaab ay gubaan guryo kuyaalla gobolka Hiiraan tan iyo markii uu bilowday kacdoonka ka dhank ah kooxdaan oo ay bilaabeen dadka deegaanka oo u abaabulan qaab qabiil.

Inta badan deegaanada gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka socda kacdoonka ka dhan ah kooxda Al-Shababaab, waxaana kooxdaan laga saaray deegaan badan kadib dagaalo dhiig badan ku daatay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa shalay ballan qaaday inuu muddo 1 sano gudahood uu Al-Shabaab ka ciribtiri doono guud ahaan Soomaaliya.

Category